Nin Xalay Iska Soo Tuuray Dabaqa Sadexaad Ee Masjidka Xaramka

Nin u dhashay dalka Faransiiska dhawaana diinta Islaamka soo galay ayaa la sheegay in uu xalay iska soo tuuray Dabaqa 3-aad ee Masjidka Xaramka ee magaalada Barakeesan ee Maka Al Mukarama.

Muuqaal ay duubtay kaamirada qarsoon ee CCTV ayaa laga dhax arkayay ninkan oo kasoo dhacaya Dabaqa Sadexaad ee Masjidka Xaramka xili muslimiin badan ay dawaafayeen halka uu ninkan uu kusoo dhacay.

Ninkan oo ahaa 26-sano jir u dhashay dalka Faransiiska ayaa geeriyooday isla markii uu dhulka kusoo dhacay, walina lama oga sababta ninkan uu isaga soo tuuray dabaqa sadexaad ee Masjidka Xaramka.

Dowlada Sacuudiga ayaa horey u sameeyeen xayndaab adag oo dadka looga ilaaliyo inay ka soo dhacaan Dabaqyadda uu ka kooban yahay Masjidka Xaramka ee magaalada Maka Al-mukarama .

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker