Maxkamadda Ciidanka Milatariga JSL Oo Dil Ku Xukuntay Askarigii Boorama Ku Dilay Ardayga

Maxkamadda Ciidamada Milateriga Somaliland, ayaa maanta xukun dil ah ku riday Askarigii jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama ku toogtay Wiil ka mid ah Ardayda jaamacadda Camuud.

Askarigan maanta la xukumay oo lagu magacaabo Cismaan Diiriye Buraale, ayaa jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama 5 bishii July ku dilay Ibraahim Cabdishakuur Salaad oo ka mid ahaa Ardayda Kulliyada Ingineerinka ee jaamacadda Camuud.

Ibraahim Cabdishakuur oo 21 jir ahaa oo dhiganayay sanadkii labaad Kuliyadda Engineering-ka ee Jaamacadda, ayaa dilkiisu yimid kadib markii sida la sheegay ay murmeen ardayga dhintay iyo askarigu.

Ardaygan, ayaa la sheegay in teleefoon uu ku soo ilaaway gudaha jaamacadda, ka dibna uu dib ugu laabtay jaamacadda si uu teleefoonka u soo qaato balse Askarigan maanta la xukumay oo ahaa waardiyihii jaamacadda, ayaa u sheegay in aan la geli Karin jaamacadda oo uu dhammaaday wakhtigii waxbarashada, muran ka dibna uu sidaas ku toogtay.

Wiilkan Ardayga ahaa ee Askarigu dilay, ayaa waxaa uu deegaan ahaan ka soo jeeday magaalada Boosaaso ee maamulka goboleedka Puntland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker