Ninka dunida ugu taajirsan oo ku yaboobay lacag lagaga Hortagayo cimilada dunida

Jeff Bezos, oo ah qofka dunida ugu taajirsan, ayaa ku deeqay laba bilyan oo Doolar, si wax looga qabto dhibaatada soo wajahdey cimilada dunida aynu kunool nahay.

Wuxuu fahmay Jeff nugeylka iyo halista ku gadaaman badqabka cimilada adduunka, kadib markii uu u safrey hawada sare.

Lacagta yabooha ah ee laga helayo sanduuqa gargaarka dhulka ee Bezos, waxaa toos looggu maal galin doonaa dibu soo celinta muuqaalka iyo is badalka hababka cuntada, ayuu ka sheegay shirka cimilada dunida ee ka socda magaalada Galasgow.

Wuxuu intaa ku darey in kal hore ay cimilada adduunka qeybo badan oo kamid ah, uu dhalan rogey qiiqa wasaqda, iyadoo u gudubtey heer kale oo aad u xun.

Sanduuqa gargaarka ee hey’dda Bezos, ayaa qorsheynaya inuu ku bixiyo toban Bilyan oo Doolar, la dagaalanka waxyaabaha wasaqeeya cimilada adduunka guud ahaan.

Magaalada Galasgow, aasaasaha shirkadda tafaariiqda ee dunida uggu balaaran ee Khadka internet-ka, ayaa ku macneeyey waaya aragnimadii uu ka helay raacitaankii dayax gacmeedii geeyey hawada sare, kaasoo laga ganey New Shepard, bishii ina dhaaftey ee July, ogaanshaha dayaca ku dhacey dhulkan aynu ku nool nahay.

Wuxuu carabka ku dhuftey Jeff n aragtida dhulka ee hawada sare, ay wax ka badaleyso sida dunida wax loogga arko, laakiin marna uusan diyaar saneyn in taasi ay run noqoneyso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker