Ciidanka Dab-demiska Magaalada Burco oo Hawlgal Dab Maanta u Gurmaday Degmada Faarax Oomaar.

Ciidanka Dab-demiska Magaalada Burco ayaa maanta u baxay dab ka dhacay degmada Faarax Oomar Gaar ahaan xaafada Tuwalli, dabkaas oo ahaa shoolad cunto lagu karinayay oo Qaraxday, dabkan ayaan gaysan khasaare weyn waxaana markiiba lagu guuleystay in la damiyo dabkan oo geysan gaadhay khasaare intaa ka badan.

 

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Magaalada Burco ayaa hawlgalkaa hogaaminayay waxaana ku wehelinayay xubnaha kale ee naftood hurayaasha ciidanka dabdemiska ee degmada burco oo hadh iyo habeen ba dadaal ugu jira sidii ay ugu shaqayn lahaayeen dadkooda iyo dalkooda.

 

Dadweynaha Magaalada Burco ayaa muddooyin kan dambe la qabsaday ciidanka dabdemiska kadib markii wacyigelin badan laga sameeyay gudaha magaaladaas.

 

Ugu dambayn hawlgalkaa ayaa ku soo dhamaaday Guul, waxaana dadweynaha magaalada burco hadii dab dhaco ay ciidanka ka soo waci karaan lambakra gurmadka deg dega ah ee 990 shirkadaha Somtel iyo Telesom.

 

Xafiiska Warbaahinta & Xidhiidhka Dadweynaha 
Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL
Hargeysa/Somaliland.
Somalilandfire@gmail.com
Somalilandfire/Twiter/instgram/youtube/
Warbaahinta ciidanka dabdemiska/facebook

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker