Ciidamada Uganda oo heegan la galiyay iyo weerarro laga cabsi qabo in ay dhacaan

Ciidamada amaanka dalka Uganda ayaa heegan buuxa la galiyay kadib markii ay sheegeen in dagaalyahano ka tirsan kooxda xiriirka la leh Daacish ay soo galeen dalkaasi dhamaadka toddobaadkii la soo dhaafay.

Maleeshiyada Allied Democratic Forces (ADF) ayaa qorsheynaya weeraro ay ka geystaan magaalooyinka, goobaha cibaadada, iskuulada iyo munaasabadaha dadweynaha, sida uu sheegay ciidanku.

Dowladda ayaa ku boorisay dadweynaha inay feejignaadaan “si ay uga fogaadaan inay dhibanayaal u noqdaan “argagixisada ADF”.

ADF ayaa lala xiriiriyay weeraro dhowr ah oo lagu hoobtay oo ka dhacay Ugandha, oo uu ku jiro mid lala beegsaday iskuul bishii June ee la soo dhaafay.

Kooxdan ayaa markii hore laga aas-aasay dalka Uganda sagaashamaadkii, waxaana aas-aasay dad la sheegay in ay ka xumaadeen sida ay dowladda ula dhaqmeyso muslimiinta. Laakiin waxaa ka awood badnaaday ciidamada, waxaana kooxdaan ay u baxsadeen dhanka xadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Sanadkii 2021, Uganda iyo DR Congo ayaa si wada jir ah u qaaday duulaan ay ku doonayaan inay ADF uga saaraan meelaha ay ku sugan yihiin Congo, balse ilaa hadda kuma aysan guuleysan inay soo afjaraan weerarada kooxda.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa marar badan sheegay in howlgallo ciidamadu sameeyeen lagu dilay tiro badan oo ka tirsan meleeshiyada ADF oo ay ku jiraan qaar taliyeyaal ahaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker