Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Ra’iisul-wasaare Ku-xigeenka Imaaraatka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi  iyo Weftigii uu Hoggaaminayey oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Abu Dhabi  ayaa maanta la kulmay  Ra’iisul-wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Madaxtooyada Imaaraadka Carabta,  Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan.

Waxa  la weriyey in madaxweynaha Somaliland  iyo Ra’iisul-wasaare Ku-xigeenka Imaaraadka Carabti si qoto-dheer uga wada hadleen  qodobbo ay ka mid ahaayeen Amniga guud ee Geeska Afrika, Xoojinta Xidhiidhka labada dal, Dhaqaalaha, Iibka Xoolaha Somaliland, Maalgashiga, Horumarinta Xeebaha iyo Kalluumaysiga, shaqo abuurka iyo dalxiiska.

Waxa kaloo warku intaas ku daray in  Ra’iisul-wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Madaxtooyada ee Imaaraadka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  sidoo kale wadajir u falanqeeyeen  sidii loo fududeyn lahaa isku socodka labada shacbi iyo sidii Baasaboorka Somaliland loogu tagi lahaa Iahaa Imaaraadka Carabta iyo Dardargelinta mashaariicda horumarineed ee labada dal ka dhexeeyay.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigiisa  waxa madaarka Abu Dhabi si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyey Sabtidii  Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri,kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay masuuliyiinta sarsare ee Imaaraadka Carabta.

Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta waxa ka dhexeeya iskaashi saaxiibtinimo iyo iskaashi ballaadhan. Waxaana Shirkadda DP World ay maalgelinaysaa casriyeynta Marsadda Berbera , halka dawladda Imaaraadku ay bixinayso dhaqaalaha ku baxaya  jidka isku xidha Berbera iyo Wajaalle oo dhererkiisu dhan yahay 25OKm.

Sidoo kalena,  dawladda Somaliland ayaa  Imaaraadka carabta ka siisay Magaalada Berbera saldhig Millatari.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker