Dad ka argagaxay Libaax ku dhex baxsaday magaaladooda

Libaax ayaa la arkay isagoo dhex maraya Ladispoli oo ku taal galbeedka Rome ee dalka Talyaaniga, kaas oo la qabtay isla markaana dib loogu celiyay goobtii uu markii hore ka baxsaday.

Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dadka deegaanka oo aad uga naxay markii ay arkeen Libaax weyn oo dhex mushaaxaya waddooyinka magaalada xeebta ku taal.

libaaxa, ayaa la qabtay in ka badan shan saacadood ka dib markii la baahiyay diginin dadka loogu sheegayay in ay iska jiraan Libaaxa baxsadka ah.

Mas’uuliyiinta goobta uu ka baxsaday Libaaxu ayaa sheegay in libaaxa xaaladiisu wanaagsan tahay, islamarkaana ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo sida uu u baxsaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker