Maalqabeen U Dhalatay Dalka Shiinaha Oo Nadiifisa wadooyinka Magaalada Wahun.

Maalqabeenka Yu Youzhen oo 53 sano jirtay oo dalka Shiine ah ayaa haddana ka mid ah shaqaalaha nadiifiya wadooyinka magaalada Wahun.   

Iyadoo arintaasi ka hadlaya waxay ay tidhi : “Waxaan rabaa in aan tusaale u noqdo wiilkayga iyo gabadhayda. Ma doonayo inaan fadhiisto, oo raaxaysto oo aan ka quusto nasiibkayga”.

 

Waxaana ay intaasi ku dartay  in aanay rabin in ay siiso carruurteeda aragtida ah hodantinimadu in aanay ahayn mid la iska fadhiyo oo afka wax la isugu guro.
“Qaab nololeedkaaga ayaa ah ka kaliya ee dhaawici kara mustaqbalka fog ee ubadkaaga,”  ayay tidhi.

 

Shaqada waxay ay ka soo bilwoday iibinta khudaarta taasi oo ay ninkeeda kala shaqayn jirtay subaxdii ilaa iyo galabatii, waxaana ay ka heleen dakhli ku filan iyagoo noqday qoyskii ugu horeeyey ee xaafadda ay deganaayeen ka dhista guri 30 dabaq ah. Gurigaasi oo ay kireyeen waxaana ay ka heleen dakhli badan oo ay ka dhisteen guryo kala badan oo kale,  oo gaadhaya 17 dhisme, kana soo xerooto dakhli badan.

 

Yu ayaa sheegtay in markii ay aragtay dadka deegaanka oo aan caruurtooda khamaarka iyo cabista daroogada ka celinayn, ay go’aansatay in caruurteeda ay tusaale u  noqoto si ay u bartaan muhimadda shaqada.

Yu waxa ay shaqada bilowda 3 habeenimo , waxaana ay ka baxdaa 12 duhurnimo iyadoo hawsheedu tahay nadiifinta qashinka iyo ururinta kudaafadda.

Gabadhan ayaa caruurteedii u sheegtay in haddii aanay dadaalin oo aqoon iyo shaqo ku fikirin ay hantideeda ugu deeqi doonto dawladda oo aanay waxba heli doonin.  Sida awgeed caruurta ayaa dadaal adag iyaguna ku jira.  Waxaana ay ku guulaystay iyadoo wiilkeeda iyo inanteeduba ay imika sheqeeyaan.

Yu halkii ay kaga raaxaysan lahayd maalkeeda iyadoo dalxiis ama dukaameysi samaynaysa, waxay taa beddelkeeda ka dooratay in ay kacdo waabariga lix maalmood oo todobaadka ka mid ah iyadoo wadooyinka nadiifinaysa.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker