Suudaan Oo Ansaxisay Sharci Lagu baabi’inaayo Nidaamkii Cumar al-Bashiir

Mas’uuliyiinta ku meelgaarka ah ee Suudaan ayaa meel mariyay sharci la xidhiidhay la wareegidda hantida madaxweynihii hore  Cumar Xasan Al-bashiir iyo kala dirista xisbigii golaha Qaranka (National Congres) ee uu hoggaamainaayey intii u dhexeysay 1992-2019-kii. .

 

Meel marinta sharcigaan ayaa yimid ka dib kulan ay si wada jir ah u qabteen golaha guud ee Suudaan iyo golaha wasiirada ,kaas oo oo socday saacado bada, waxaana sidoo kale la laalay sharcigii ku saabsanaa xakameynta dharka iyo dhaqanka dumarka.

 

Go’aanka meel marinta sharcigaasi ayaa daba socda jawaab dowladda cusub ay ka  bixisay codsi ka yimid dadkii ka qeybgalay ama gacanta ka geystay mudaharaadyadii lagu afgambiyay dowladdii hore ee Suudaan.

 

R/ wasaaraha dalka Suudaan  Abdalla Hamdok,ayaa soo hadal qwaaday in sharcigasia cusub uusan aheyn aargudasho ,balse loogu talagalay in lagu ilaaliyo sharafta dadka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker