Garoonka Cadan Ee Dalka Yemen Oo La Weeraray

Ugu yaraan 13 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay garoonka Cadan oo ah magaalada labaad ee Yemen iyadoo dowladda cusub ay ka timid Sacuudiga, sida ay sheegeen ilo laga helay ciidamada ammaanka iyo dhaqaatiirta.

Waxaa dhacay ugu yaraan hal qarax iyadoo wasiirradu ay isku diyaarinayeen inay soo degtaan.
Yemen waxaa ragaadiyay dagaal soo jiitamayay tan iyo sanadkii 2015, markaas oo isbahaysiga uu Sacuudigu horkacayo ee dalalka Carabta ay bilaabeen howlgal militari oo lagula dagaallamayo Xuutiyiinta laguna soo celinayo xukunka Madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi.

Dagaalka oo ay ku dhinteen in ka badan 110,000; wuxuu horseeday musiibadii bani’aadannimo ee ugu darneyd dunida, iyadoo malaayiin qof ay qarka u fuuleen macluul; dalkana wuxuu u nugleeyay xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker