Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa

 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan kula qaatay magaalada Addis-ababa, Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa waxey dhiggiisa is weydaarsadeen dalka Kenya ee, William Ruto dadaallada dowladda Soomaaliya ee la xiriira xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan dagaalka ku wajahan Alshabaab

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Soomaaliya, Madaxweyne William Ruto, ayaa tilmaamay in dalkiisu uu si buuxda u garab taagan yahay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC)

Wuxuu xusay Ruto in dalkiisa uu saameyn toos ah ay ku leedahay xaaladda dalka Soomaaliya, muhiimna ay u tahay xasilloonida Gobolka.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda gobolka iyo caqabadaha jira.

Madaxweynaha Kenya William Ruto

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker