Dawlada Maraykanka oo Ciidamadeedii ka Daad-guraysanaysa Dalka Jarmalka

 

Ciidamo gaadhaya 6,400 askari ayaa dib loogu celin doonaa Mareykanka, halka kuwa kalena la geyn doona dallaka kamid ka ah gaashaanbuurta NATO sida Talyaaniga iyo Belgium-ka.

 

Madaxweyne Trump oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in sababtu ay tahay Jarmalka oo ku guuldarestay hadafkii NATO ee dhanka difaaca.

“Mardambe ma dooneyno in aan aragno kuwa jiqaya dhiiggeena,” ayuu Mr Trump waxyar kadib markii lagu dhawaaqay go’aanka.

 

 

“Waxaanu yareyneynaa ciidamadeena jooga Jarmalka sababtoo ah ma bixiyaan kharashaadka ku baxa.”

Haseyeeshee arrintan ayaa cambaareyn xoogan kala kullantay mucaaradka Mareykanka ee aqalka Kongreska, kuwaas oo sheegay inay fursad u abuureyso Ruushka.

 

 

Madaxweyne Trump ayaa in muddo  AH ka cabanayay xubnaha NATO ee Yurub oo uu sheegay in looga baahan yahay inay bixiyaan kharashka iyaga lagu difaaco.

Waxaa uu sheegay in dalalka xubnaha ka ah NATO aanay aad ugu tiirsanaanin Mareykanka.

Dooda u dhaxeysa xulafada ayaa ah midku qottonta hadafkii ay ku heshiiyeen ee ahaa in dal walba uu ku bixiyo kharashaadka dhanka difaaca 2 boqolkiiba kobaca dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah NATO marka la gaadho sanadka 2024.

 

 

Dalal uu Jarmaka kamid yahay ayaanan soo buuxin shuruudahaas.

Wasiirka difaaca ee Mareykanka Mark Esper ayaase sheegay qorshe ka duwna sida Trump uu u hadlay. Wuxuu sheegay in sababtu ay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo dib loogu habeynayo ciidamada Mareykanka ee gobolka.

 

 

Waxaa uu yiri “waa istaraatijiyad ballaaran oo looga guul gaadhi doona mabad’iida Mareykanka iyo NATO ee ku aadan Ruushka”.

Qorshahan ayaa la filayaa in ballaayiin dollar ay ugu kici doonta Mareykanka, ayna yareyn doonta joogitaankii ciidamada Mareykanka ee Jarmalka boqolkiiba 25.

 

Mr Esper, wasiirka difaaca ayaa shegay in diyaaradaha dagaalka loo wareejin doona Talyaaniga, halka ciidamadana la geyn doona dalka Poland.

Saraakiil sarsare oo katirsan Jarmalka ayaa walaac ka muujiyay tallaabada Mareykanka.

 

 

Sidoo kale go’aanka dowladda Mareykanka ayaa waxaa cambaareeyay saraakiil jarmal ah oo uu kamid yahay guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Jarmalka oo sheegay in taas ay wiiqi doonta isbaheysiga.

 

 

Sidoo kale waxaa ka hadlay barasabka Bavaria, Markus Soeder oo sheegay inay ka shaleynayaan go’aanka, wuxuuna yiri “tani waxay culeys ku tahay xiriirkii Mareykanka iyo Jarmalka.

 

Senetar katirsan xisbiga Jamhuuriga, Mitt Romney ayaa go’aanka ku tilmamaay “khalad weyn”, ayna dharbaaxi ku tahay saaxiibada iyo xulafada.

Qorshahan ayaa waxaa bishii hore ku dhawaaqay madaxweyne Trump, xilligaas oo xukuumadda Berlin uu ku eedeeyay inay “ka cagajiideyso” bixinta kharashaadka NAto.

 

Waxaa kale oo uu sheegay in Jarmalka uu si aan wanaagsaneyn ula dhaqmayo dalkiisa marka ay timaado ganacsiga.

Jarmalka ayuu sidoo kale Trump sheegay inay ka faideysaneyso joogitaanka ciidamada US, wuxuuna sababta ku sheegay askarta Mareykanka oo dib dalkaas ugu celiyo kharashaadka ay isticmaalaan.

 

 

Joogitaanka ciidamada US ee Jarmalka ayaa la hirgeliyay wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee adduunka, waana dalka ugu badan ee martigeliyo ciidamada Mareykanka ee jooga Yurub.

 

Waxay Mareykanka sidoo kale ciidamo ka joogaan dalalka Talyaaniga, Britain iyo Spain.

Ciidamada Mareykanka ee Yurub ayaa sidoo kale gacan ka geysta hawla mararka qaar aanan la xiriirn NATO.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker