Madaxwaynaha Falasdiin Oo ku Hanjabay inuu Xidhiidhka U jaridoono Dawladda Maraykanka

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ku Hanjabay in si rasmi ah dalkiisa uu u goyn doono Xidhiidhka  ka dhexeeya  Mareykanka.

Mr Cabaas ayaa sheegay in aqalka Cad uu Jabiyay Sharciga caalamiga ah ee Israel ka xanibay deegaameynta ay ka wado dhulka Falastiin oo Washington ay Taageertay.

 

Waxaan diyaar u nahay in Xidhiidhka aan u jarno Mareykanka ayuu yidhi madaxweynaha Falastiin oo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Moscow ee caasimada Ruushka.

Dhanka kale dibadbaxyo Waaweyn oo lagu gubay calanka Mareykanka ayaa ka dhacay daanta galbeed iyo magaalada Gaza.

Shacabka Falastiin ayaa sheegay in dhimasho ay diyaar u yihiin ayna aqbali doonin go,aanka Mareykanka ku taageeray dhul boobka Israel.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker