Garaaddada Sool Xal u Raadinaya Muranka Siyaasadeed ee Puntland

Garaaddada Gobolka Sool ayaa sheegay inay u istaageen xal u helidda muranka siyaasadeed ee hareeyay Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntaland.

Puntland waxa ka taagan muran ka dhashay doorashada iyo furista dastuurka, waxana meel adag kala istaagay madaxda maamulka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Meelaha qaar waxa la soo wariyay rabshado ay dad ku dhinteen, kuwa kalena ku dhaawacmeen.

Xeer ilaalinta Puntland waxay amartay soo xiridda siyaasiyiin si wayn uga soo horjeeda Madaxweyne Dani, inkastoo siyaasiyiintaasi ku gacan seyreen dalabka xeer ilaalinta.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah hogaamiyayaasha dhaqanka Gobolka Sool ayaa ku baaqay in doorashada golayaasha deegaanka ay si nabada ku dhacdo, wixii markaa ka dambeeyayna la isugu yimaado talo guud oo looga arinsanayo doorashada Madaxweynaha ee dhacaysa horraanta sanadka soo socda.

“Madaxweynihii waan u tagnay, isagoo waliba safar ah ayaan Qardho ugu tagnay, golaha deegaanka iyo dawladdaha hoose awalba dood lagama qabin, wuxuu ahaa arin ay dadku doonayeen, laakiin arinka 8 Janaayo iyo xaaladdaha ka dambeeya, Madaxweynaha waxan isla soo qaadanay in talo la isugu yimaado, taladaasna wuu qaatay mana dhaafi karo, waxa weeye talada waanu wada leenahay, annagu haddaan nahay dhaqanka gobollada Sool iyo Sanaag ka soo jeeda xaajadaas annagaa la wareegnay, annagoo wakil ka ah salaadiinta Puntland oo dhan.” Ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker