Qaramada Midoobe Oo Sanad Kale Ku Sii Dartay Cunaqbateynta Hubka Ee Saaran Soomaaliya.

New-York-(OWN)-Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan ay Arbacadii ku yeesheen Magaalada Newyork ee Dalka Mareykanka,waxaana ay ugu codeeyeen in la kordhiyo muddada cunaqabateynta ee saaran Soomaaliya.

Cunaqabateyntan ayaa la xidhiidhta Hubka iyo Dhuxusha Soomaaliya,waxaana Goluhu ku kordhiyay muddo hal sano ah.

Arrintan waxaa ay ku soo aadday iyada oo Golaha amaanka uu guddi gaar ah oo loo bixiyay Panel of Experts u sameeyay Soomaaliya kaddib markii la kala diray Guddigii dabagalka cunaqabateynta ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Golaha ayaa dhinaca kale cunaqateynta ka qaaday dalka Eritrea iyada oo aan wali la xallin muranka dhinaca sohdinta ee Jabuuti,waxaanu goluhu sheegay in si gaar ah loola soconayo dhaq dhaqaaqa muranka sohdinta ee labadaasi dal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker