Haweeney loo xiray iney sidatay bastoolad dahab ah

Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka, ayaa lagu xiray dalka Australia, kadib markii boorsadeeda laga dhex helay qori, kaasoo ka sameysan 24 karat oo dahab.

Haweeneydan oo aan la aqoonsan, ayaa kasoo dagtay magaalada Sydney, iyadoo ka timid Magaalada Los Angeles, mana heysan wax ogolaansho ah oo ay ku qaadato hubka, sida ay sheegeen ciidamada soohdimaha dalka Australia (ABF).

Waxay ku muteysan kartaa haweeneydan heysashada hubkan 10 sano oo xarig ah.

Sawirro ay soo gudbisay ABF, ayaa muujinayay muuqaalo laga qaaday garoonka diyaaradaha oo laga qaaday boorsooyinka haweeneyda, kaasoo muujinaya hubka ku dhex jira boorsadeeda.

Sawir labaad, ayaa waxaa ka muuqday bastoolad, kadib markii bac uu ku jiray la furay.

War qoraal ah oo uu soo saaray sarkaal ka tirsan ABF, ayaa lagu sheegay in tignoolajiyada casriga ah ee ogaanshaha waxyaabaha kala duwan, ay gacan ka geysatay joojinta hubka halista ah ee soo galaya dalka Australia.

Saraakiisha ayaa sheegay in haweeneyda 28-jirka ah lagu soo oogay dacwad, ayna isniintii kasoo muuqatay maxkamadda deegaanka Downing Center, iyadoo markaa kadib lagu sii daayey damiin.

Waxa kale oo ay wajihi kartaa in la joojiyo fiisaha dalkan ay ku joogto, lagana saaro Australia, iyadoo la sugayo natiijada kasoo baxda dacwadda uga socoto maxkamadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker