Madaxwaynaha Somaliland oo Kulano Muhiim ah La Yeeshay Madaxda Jabouti

Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu Hoggaaminayey oo maalintii shanaad ku sugan dalka Jabuuti.

Ayaa.halkaasi u joogay hawlo shaqo  maanta wuxuu booqday Safaaradda Somaliland ay ku leedahay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaana madaxweynaha warbixin halkaa ku siiyey safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan dalka Jabuuti Amb.

 

Cabdifataax Siciid Axmed oo ay wehelinayaan safiir ku xigeenka, Amb. Cabdilaahi Xaaji Suldaan iyo hawl-wadeenada safaaradda, isagoo ku dheeraaday mudadii uu safiirku joogay wixii u qabsoomay.

 

Geesta kale maareeyaha dekedaha Jabuuti ayaa sharaxaad ka siiyey Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa aaga cashuuraha ka caagan ee Free Żonę-ka

 

Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftiga la socday waxa hadhimo sharafeed u sameeyey maareeyaha dekedaha Jabuuti Mudane Abuubakor Cumar Xadi oo ay wehelinayaan xubno ka mida golaha wasiirrada Jabuuti iyo masuuliyiin kale

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker