Wasiirka Maaliyada Somalia oo Saxeexay Lacago kale oo Laga Cafiyay Dalkiisa

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika Khaled Sherif .

 

Ayaa kala saxiixday Heshiiska dhanka cafinta daymaha lagu Lee yahay Dalka Somalia.

 

 

Heshiiskan oo ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast waxaa uu daba socday go’aankii guddiga sare ee maamulka Bangigu ay gaadheen 26kii bishii la soo dhaafay ee February .

 

 

waxaa Soomaaliya laga cafinayaa 122.55 milyan oo doolar.

 

Wasiirka Maaliyadda Somalia yaa Saxiixa kadib yidhi.

“Waa maalin kale oo taariikhi ah, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay ku faani karaan, waxaan saxiixnay heshiiska deyn cafinta ah Qaybna ka ah Bangiga Horumarinta Afrika, AFDB.

 

Tilaabo kasta oo guul ah oo aan gaadhay waxaan uga mahadcelinayaa Ilaahay waxaana dadaalkaas iska leh Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha.

 

Ummadda Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamka ee na garab istaagay Dadaalka Dowladda Soomaaliya waa uu sii soconaya inta isku filnaasho aan ka gaadhayno” sidaasi waxaa yidhi wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya

 

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in heshiiskani ay ku taageerayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhiiragalinta dib u habeynta hey’adaha maaliyadda oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya wado

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker