Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Dalka Shiinaha.

 

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay caasimadda Beijing Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Mudane Wang Yi, iyaga oo ka wada hadlay qaabkii lagu horumarin lahaa, laguna xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa yiri “Shiinaha waxa ay si joogto ah u taageeri doontaa dadaallada Soomaaliya ay ku ilaalsanayso madax banaanideeda, amnigeeda iyo midnimadeeda dhuleed, waxa aynu ka taageeri doontaa Xukuumadda Soomaaliya sii ambaqaadida geedi socodka siyaasadeed, sare u qaadidda dib u heshiisiinta bulshada iyo hagaajinta dowlad wanaaga”.

Wang waxa kale oo uu yiri “Shiinaha waxa uu doonayaa inuu taageero dib u dhiska nabadda Soomaaliya inta ay la gaarto tabar”.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Cawad ayaa isna yiri “Soomaaliya waxa ay had iyo jeer si adag u taageertaa siyaasadda ku saleysan Dal weynaha Shiinaha oo hal ah”. waxa uu yiri “dalkiisu wuuxuu si firifircooni leh u taageeraa Hindisaha Hil iyo Hilin [Belt and Road Initiative], waxayna rajeyneysaa in ay xoojiso iskaashiga kala dhexeeya Shiinaha dhinacyada dib u dhiska kaabayaasha, beeraha, kaluumeysiga, horumarinta iyo aqoon dhisidda shaqaallaha”.

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Amb: Axmed Cawad ayaa dalka Shiinaha ugu qeyb galay shirka sideedaad ee madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Wadamada Carabta.

XIGASHO: (SONNA)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker