Toogasho Dad Badan Lagu Dilay Gobolka California Ee Dalka Maraykanka.

California-(OWN)-Mas’uuliyiinta gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in 12 qof ay ku dhinteen toogasho habeenkii arbacada ka dhacday baar lagu caweeyo.

Kabtan Garo Kuredjian oo ka tirsan booliska Ventura County ayaa weriyayaasha u sheegay in dadka dhintay uu ku jiro mid ka mid ah ku xigeenadiisa.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyey in ninka toogashada fuliyey lagu dhex dilay baarka.

Kuredjian ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay ku baxeen baarka Borderline Bar & Grill ee magaalada Thousand Oaks, oo 40 mile galbeed ka xigta magaalada Los Angeles, kadib markii ay maqleen in toogasho ay ka billaabantay baarka.

Dhowr iyo toban qof oo kale ayaa lagu warramay inay toogashada ku dhaawacmeen, mana jirto wax akhbaar ah oo laga helayo xaaladdooda.

Baadhayaasha oo gacan ka helaya hay’adda FBI-da ayaa ka shaqeynaya inay go’aan ka gaadhaan aqoonsiga qofka fuliyey toogashada iyo waxa ku dhiiri-geliyey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker