Sudan Oo Qorshaynaysa In Ay Xidhiidh La Yeelato Israa’iil

Dalka Sudan ayaa qorshaynaya in uu xidhiidh cusub la yeesho Israa’iil, kadib go’aan ay laba waddan oo carbeed xidhiidhkooda Israa’iil caadi kaga dhigeen.

Warbixin uu daabacay wargeyska Hayom ee kasoo baxa Israa’iil ayaa lagu xusay in dhammaadka todobaadkan ay qorshaynayso Sudan in ay ku dhawaaqdo go’aanka ay xidhiidhkeeda Israa’iil ku hagaajinayso.

Maalintii Arbacada ayaa la sheegay in weft ka socdaa Israa’iil ay booqasho ku tageen magaalada Khartuum ee caasimadda Sudan iyagoo la shiray madaxda dawladda Sudan.

Hadii ay Sudan tallaabadan qaado, waxay noqon doontaa dalkii shanaad ee carbeed kaaso oo xidhiidh la yeesha Israa’iil.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker