Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Shiinaha Oo booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa

Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Shiinaha Wang Yi iyo wafdi uu horkacayo ayaa booqasho rasmi ah saaka ku tagay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Ra’iisul-wasaare-ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya Demeke Mekonnen oo xiligan ah Ku simaha RW dalkaas oo ku maqan furumaha dagaalka.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Shiinaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Itoobiya, waxaa la filayaa in uu kulammo la yeesho ra’iisul-wasaare-ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Demeke Mekonnen oo ay ka wada-hadli doonaan arrimaha labada dal iyo arrimo kale oo gobolka ah.

Itoobiya iyo dalka Shiinaha waxaa ka dhaxeeya xidhiidh diblomaasiyadeed, kaasoo soo billowday tan iyo sannadkii 1970kii kaasoo salkaku haya ganacsi, maalgashi iyo mid diblomaasiyadeed.

Shiinaha ayaa la walaacsan xaalada dalka Itoobiya oo lugaha la galay dagaal sokeeye oo dhexmaraya ciidamada dowlada iyo kooxda TPLF, iyadoo shiinaha uu dano badan iyo maalgeshi badan uu sameeyey dalkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker