Hargeysa: Booliska Somaliland oo nin shicib ah madaxa kaga toogtay gurigiisa hortiisa

Ciidanka Booliska ayaa maanta si fool xun toogasho ugu dilay nin shicib ah ninkaasi oo ku sugnaa barxada dibada ee gurigiisa oo ku yaala xaafada Qudhac dheer ee Maxamuud Haybe Ex- Giryasamo.

 

Ma cada sababta uu askarigani u toogtay ninkaasi shicibka ah oo si buuxda gacanta Booliska ugu jiray xiligan uu dilku dhacay.

 

Hase ahaatee dad goob joog ah ayaa sheegay in askarigani uu ninkaasi Ka soo qabtay guriisa oo uu dabadeedna ku toogtay gurigaga dibadiisa waxana ay dadkii goobjooga ahaa sheegayaan oo kale in askarigani sitay warqad qabasho ah oo maxkamadeed, is af dhaaf askarigani iyo marxuumkaasi dhex marayna uu askarigu u dadajiyay rasaas oo uu qudha Ka jaray.

 

Ilaa hada saraakiishii ciidanka Booliska ee saxaafadana hor imanjirtay marka Booliska wax Laga sheego kama ay hadal dilkani.

 

Marxuumka la dilay ayaa Ka soo jeeda galbeedka Burco ama bariga Hargeysa, sida ay sheegeen dadkii badnaa we goobtaasi isugu soo baxay oo ka gadooday dilkaasi arxandarada ahaa ee aan wakigeed goobtaasi hore uga dhicine.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker