Maxaa Ka Jira In Madasha Wadatashiga Ay Xukuumadda Muuse Biixi Xafiis Uga Furtay Madaxtooyada ?

Warar maalmahan u dambeeyay lagu baahinayay baraha bulshada oo ay qorayeen dad reer Somaliland ahi ayaa isweydiinayay halka ay ku dambaysay mucaaradadii adkayd ee dalladii  ay ku bahoobeen Eng. Maxamed Xaashi iyo siyaasiyiin kale oo la yidhaahdo Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka  ku hayeen Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay qoraaladaasi qaarkood sheegayaan siyaasiyiintuu madashu la taliyayaal u noqdeen Madaxweyne Biixi, xafiisna looga furay madaxtooyada.

Hase yeeshee Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo   wax ka weydiiyay xafiiskan, ayaa wuxuu yidhi  “Xafiis na loo furay oo Madaxtooyada na looga furay ma jiro, waana waxba kama jiraan in Madasha xafiis looga furay Madaxtooyada.” Sidaas ayuu yidhi Eng. Xaashi, wuxuuna intaas raaciyay in wararkaasi yihiin waxba kama jiraan.

 

Eng:Maxamed Xaashi Cilmi mar uu baaq u diraayey labada beelood ee shalay dagaalku ku dhexmaray Gobolka Sanaag ayaa yidhi “ILLAAHAY ha inoo sahlo, wax walbana khayr ha inooga dhigo, hana kala qaboojiyo labadan reer ee is laayey, colaaduna khasaare mooye, wax faa’iido ah oo ay leedahay, ma jirto, ee mar walba nabada ha la ilaaliyo, hana laga fogaado wax kasta oo nabadgalyo daro abuuri kara.”

Image result for Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka

Eng. Maxamed Xaashi

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker