Aabaha dhalay Ikraan Tahliil oo Markii ugu horraysay Warbaahinta la hadlay

Muqdisho (OWN) – Dr. Tahliil Faarax oo ah Aabaha dhalay gabadha loo heysto NISA ee Ikraan Tahliil Faarax ayaa markii ugu horeysay warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in wax diyo ah aanu qaadan doonin, baaqna u diray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Aabe Tahliil Faarax ayaa sheegay in isaga iyo hooyada dhashay gabadhiisa ee Qaali Maxamuud Guhaad aanay qaadan doonin diyo ama mag, “Xataa hadii ay bilyanis noqoto” sida uu sheegay.

“Markii ay NISA shaacisay geerida Ikraan, ee Ra’iisul wasaaruhu amray hey’adaha garsoorka in kiiska ay baadhaan, durbadiiba waxaa ka hor yimid Fahad iyo Farmaajo oo in ka badan laba bilood ah dhegaha ka fureystay qeyladhaantayada iyo tan shacabka, ficilkii ugu horeeyey ee Farmaajo waxa uu noqday inuu hor istaago cadaalad u raadinta kiiska gabadheyda,” ayuu yidhi Dr. Tahliil Faarax.

Diktoorka ayaa madaxweyne Farmaajo u sheegay in uusan jirin qof cadaaladda ka weyn umadda uu u dhaartana ay cadaaladda un deeqdo, “Hadii aadan wax ka ogeyn dilka gabadheyda, fadlan Farmaajo ka wareegaystay cadaaladda, hanaga hor istaagin,” ayuu yidhi.

Waxuu intaas ku sii daray, “Go’aanka reer Tahliil Faarax iyo reer Maxamuud Guhaad ee kiiska Ikraan waxa uu yahay in wax gorgortan ah aysan ka geli doonin cadaaladda u helidda gabadhooda, wax cadaalad aan aheyna nama deeqdo, madaxda NISA waxaan ka rabnaa hadii ay hayaan gabadheenii inay si deg deg ah u sii daayaan, hadii la dilayna in meydkeeda nala siiyo, si aan u aasano.”

“Aniga iyo hooyada dhashay gabadha ee Qaali Maxamuud, waxaan u cadeyneynaa madaxda dhex-dhexaadinta ku howlan in marnaba inaanan diyaar u aheyn in kiiska lagu dhameeyo xeer Soomaali, wadahadal iyo diyo, xataa hadii ay bilyanis tahay,” ayuu yidhi.

Aabe Tahliil Faarax ayaa u mahad celiyey dhammaan dhinacyadii isku howlay cadaalad u raadinta gabadhiisa Ikraan Tahliil, sidoo kale waxa uu u mahad celiyey madaxda ku howlan waan-waanta laga dhex-wado Farmaajo iyo Rooble oo isku khilaafay kiiska Ikraan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker