Wiil Dhalinyaro ah Oo Gacan ka Gaysanaya Geerida Hooyadii

Martha Sepúlveda way faraxsan tahay maxaa yeelay waxaa laga caawinaya inay dhimato maanta oo Axad ah, haweenaydan oo ku nool dalka Colombia ayaa maxkamadda dalkaas u ogolaatay inay is disho.

Martha waa ay dhoola cadeynaysay xilli ay ka cuntaynaysay maqaayad ku taala Medellín, inkasta oo ay cabsi wajigeeda ka muuqatay hadana Martha way faraxsanayd sababtoo ah waxay ku guulaysatay inay hesho amar maxkamadeed si looga caawiyo dhimashadeeda iyada oo loo marayo hab loo yaqaan euthanasia.

Colombia, sharciga euthanasia oo qofka u ogolaanayo inuu isdilo ayaa la mamnuucay 1997-kii, hase yeeshee waxaa hadana la dhaqan geliyey 2015-kii.

Wiilka Martha, oo 22 sano jir ah, ayaa sidoo kale hooyadiis ka caawinaya qorshaha ay ku doonayso inay nolosheeda ku soo afjarto kaas oo doonayay in uu aado maxkamad si uu u gudbiyo codsi uu ku dalbanayo caawimaad.

“Hooyaday waxay ahayd qof deggan oo faraxsan tan iyo markii loo ogolaaday qorshaha ay ku dhiman karto maxaa yeelay nolosheeda kuma aysan faraxsanayn,” ayuu ku yidhi wareysi uu siisay BBC Mundo.

Bishii Luulyo ee la soo dhaafay, Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka ayaa xaq u siisay geeri sharaf leh, dadka “soo mara silica iyo dhibaatada dhanka maskaxda ah” taasoo ay ka dhalato dhaawac ama jirro aan laga bogsan karin.

Martha Sepúlveda waa qofkii ugu horreeyay ee loo oggolaado dhimashada, inkasta oo xaaladeedu aysan gaarin heer ay qaadato go’aankaasi.

Sida laga soo xigtay EFE, Wasaaradda Caafimaadka ayaa fulisay guud ahaan 94 hababka euthanasia laga bilaabo Abriil 2015 illaa 8 bishii May 2020.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker