UK Oo Weli Xal U Raadinaaya Ka Bixitaanka EU-da

Waxaa markale fashil kusoo dhamaaday kulankii Hogaamiyayaasha dalalka EU-da oo xalay ku kulmay magaalada Brussels. Kulankan ayaa lagu eegayey in xal loogu heli ismarin-waaga ka taagan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub oo aan weli heshiis dhameystiran laga gaarin.

Raysalwasaaraha UK Theresa May oo uu xiligan cadaadis weyn ka saaran yahay gudaha dalkeeda ayaa ku guuleysan weyday inay ka dhaadhiciso madaxda wadamada EU-da qorshaheeda, isla markaana xalay isaga tagtay Brussels iyadoo aan wax xal ah laga gaarin.

May oo aan xataa ka qeyb gelin kulankii cashada ahaa ee xalay madaxda ku yeesheen magaalada Brussels ayaa dib ugu noqotay dalkeeda xili xisbigeeda xubno ka tirsan ay si weyn uga soo horjeedaan in dib loo dhigo wakhtiga loo qabtay in wadankaasi isaga baxo EU-da oo ku beegan sanadka soo socda.

Caqabada ugu weyn ayaa ah sidii loo heshiin lahaa xaduuda u dhaxeysa dalka Ireland iyo Waqooyiga Ireland oo la go’i doona UK, in halkaasi xaduud la dhex dhigo waxaa kasoo horjeeda dadka deegaankaasi ku nool oo iyagu si weyn u taageersanaa kasii mid ahaanshaha EU-da, waxaana laga cabsi qabaa in ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub ay dib usoo celiso xiisadii siyaasadeed ee dhulkaasi horey uga jirtay.

Theresa May ayaa hada ka fekeraysa in wakhti dheeraad ah lagu daro xiliga gorgortanka ay kula jiraan oo ka bixitaankooda EU-da dib loo dhigo illaa sanadka 2021, balse macada sida arrintan ay uga gadi doonto xubnaha kasoo horjeeda ee kamid ah xisbigeeda.

Xiliga gorgortanka socda UK waxay kasii mid ahaan doontaa Midowga Yurub, balse kuma yeelan doonto wax cod ah go’aanada EU-da.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker