Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo sheegay inay Somaliland ka Faaiidaysan Doonto Bogcadda Istaraatiijiga ah ee ay Ku Taallo

Hargeysa (OWN) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiye Madaxweyne Biixi ayaa wada qorshe cusub oo ay ku qabsanayso dalalka Geeska Afrika, isla markaana ay ku gaadhsiineyso adeegyo kala duwan.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inay Somaliland ka faa’iideysaneyso marinka istaraatijiga ah ee ay ku taalo, midkaasi oo ay iskaga kala gooshaan maraakiibta kala duwan ee caalamku.

Biixi ayaa sidoo kale waxa uu  ku Tiraabay  in Somaliland ay rabto inay nabadeed ay kaga faa’iideysato sidii ay dhakhli uga abuuri laheyd maraakiibta caalamiga ah ee iskaga kala gooshta bada cas, wuxuuna yidhi.

 

 

“Horta Somaliland waxay ku taala meel dhaqaale ahaan adduunka istaraataji ah, markaas waxaanu doonaynaa badaas cas ee caalamku inta ugu badan isaga goosho ee uu maro, inaanu qaybta u weyn ee halkaas maraysa u shaqayno”.

“Maraakiibta badda maraysa ee baayac mushtarka ah ee dalxiiska ah ee ciidanka ah waxay naga doonayaan ee ay u baahanyihiin ee adeeg ah inaanu u qabano anaguna aanu faa’iido ka helno”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Somaliland waxay haysaa nabad. Qof baqanayaa ma wax ayuu kula qaban, waxaanu ogolnahay inaanu samayno bee’ad uu baayac mushtarkiisu ku socon karo haddii uu maal-geliyo uu xoolihiisa la bixi karo”.

“Imika garoonka Berbera aya dhammaaday wuxuu noqonayaa caalami waa 4km tas-hiilaadka ugu weyn ee Geeska Afrika weeye, waxaanu u samaynaa tas-hiilaad, dhaqaale ahaan sharciyda cashuuro caqabadaha oo dhan inaanu khafiifino”.

“Markaas inaanu biriishkaas noqono, oonu u weel tolano oo aanu noqono hab ayaanu u diyaar garoobaynaa, dadkayaga maskaxdoodiina taas ayay diyaar u tahay”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker