Dagaalyahamiinta Xuutiyiinta Oo 10 Dayaaradood Ku Weerary Warshada Soo Saarta Shiidaalka Oo Ku Taala Sacuudiga

Weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drone-ka ayaa lagu qaaday warshada soo saarta shidaalka ee dowlada Sacuudiga oo loo yaqaan Sheybah, sida ay sheegtay waaxda Aramco.

War saxaafadeed ka soo baxay shirkadaan ayaa lagu xaqiijiyay in ciidanka amaanka ay ka hortageen diyaaradahan iyadoo aysan jirin wax yeelo ka Dhalatay.

Mas,uuliyiinta shirkada Aramco ayaa xaqiijiyay in howlaha shirkada ay sii caadi ah u socdaan iyadoo duqeynta aysan galin wax hakad ah wax soo saarka Shidaalka.

Afhayeen u hadlay xuutiyiinta ayaa goor sii horeysay oo sabtida maanta ah sheegay in 10 diyaaradood ay ku weerareen ceelka shidaalka ee Shaybah.

Xuutiyiinta ayaa dhanka kale sheegay in weerarkaan uu yahay kii ugu xoogaan oo ay ku qaadaan gudaha Sacuudiga.

Dhanka duqeyntaan ayaa waxaa canbaareeyay wasiirka tamarta sacuudiga Khaalid al-Faalih, waxaana uu sheegay in falkaan uusan dhibaato ku aheyn sacuudiga balse uu yahay mid lagu waxyeeleynayo kobaca dhaqaalaha Caalamka.

Xarunta shidaalka ee Sheybah oo qiyaastii 1,000 kiilo mitir u jirta deegaanada ay maamusho xuutiyiinta Yemen, ayaa maalintii soo saarta boqolaal kun oo barmiil oo Shidaal Ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker