Sarkaal ka tirsanaa Nabad-sugida Soomaaliya oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

Natiijada sawirka muqdishoMuqdisho-(OWN)-Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa galinkii danbe ee maanta degmada Howl-wadaag, gaar ahaan Suuqa Weyn ee Bakaaraha ku toogtay sarkaal ka tirsanaa nabad-sugida Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Cidhiidhi.

Sarkaalkan la dilay ayaa la sheegay in uu horay taliye uga soo noqday nabad-sugida degmada Waabari, iyadoo ay goobta ka baxsadeen raggii toogashada geystay.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa markiiba tagay goobta uu falku ka dhacay hasse ahaatee ma jirin dad loo qabtay toogashada sarkaalkan.

Dhacdadan ayaa imaneysa xili madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu amar ku bixiyay in leysku furo dariiqyada Muqdisho oo intooda badan laga qaaday ciidamadii horay ugu sugnaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker