Dhegayso:Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxii Ex-Control”

Af-hayeenka Al-Shabaab ayaa qoray inay Ururkoodu ka dambeeyeen qaraxii isgoyska Ex-Control.  Sh  Cali Dheere ayaa hadalkan ka sheegay warbaahinta Al-Shabaab.

Goor sii horraysayna, Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in dal shisheeye “uu lahaa qorshaha” qaraxii 28-kii bishan ka dhacay Ex-Kontorool Afgooye ee duleedka Muqdisho.

 

“Waxaan madaxda Qaranka ugudbinay, Warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa dal Shisheeye. “ ayaa lagu yidhi  qoraal ay NISA ku baahisay twitter-ka.

 

Qoraalka laguma xusan magaca dalka la tuhunsan yahay, balse Hay’addu waxay sheegtay in weli baadhitaanku uu socdo.

HadabaWaxaa Wali aan dhaystrmin Baadhitaakii Waxaanaanu La kaashan Doonaa Wadamada Caalamka Qaarkood,  ayya Tidhi NISA.

 

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ugu yaraan 81 qof la xaqiijiyey inay ku naf waayeen qaraxaas, islamarkaana ay suurta-gal tahay in tirada ay intaas ka badato.

Haddaba eedda ay soo jeedisay NISA ee ku saabsan in qaraxa uu ku lug lahaa dal shisheeye ayaa Sahra Cabdi Axmed ay wax ka weydiisay Cabdirashidi Khaliif Xaashi Agaaismaha Machadka Heritage ee magaalada Muqdisho.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker