Maxaa ka jira in lajabsaday nidaamka kaydinta iyo maamulka xogta dhulalka ee Dawladda Hoose ee Hargeysa

Sida lagu qoray Somaliland Chronicle, nidaamka kaydinta iyo maamulka xogta dhulalka iyo hantida ee Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa qof uu jabsaday, isagoo si sharci darro ah usoo saaray faylal, sidoo kalena sameeyey saxeexa Maayirka DDH, Cabdikariim Axmed Mooge. Qofkan, oo sida la sheegay ah qof ka tirsan nidaamka, balse aan ahayn qof dibadda ka ah nidaamka. Isagoo haatan kiiskaasi xabsi ugu jira.

Sida la wada ogyahay, nidaamka lagu maamulo laguna kaydiyo xogta dhulalka ee dawladda hoose waxa samaysay, gacantana ku haysa shirkadda GEOSOL oo tartan la’aan heshiiskan la siiyey waqtigii Maayirkii hore ee DHH, Cabdiraxmaan SOLTELCO. Sidoo kalena, sida warbixinta lagu sheegay, warar la hubo ayaa xaqiijinaya in Cabdiraxmaan SOLTELCO ku lug leeyahay GEOSOL, dano badana la wadaago. GEOSOL, oo ah shirkadda nidaamka ay gacanta ku hayso la jabsaday, ayaa sidoo kale ah shirkadda dhisi doonta xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Haddaba, xogaha qaar ayaa tilmaamaya in qofka nidaamka jabsaday, hore shaqaale uga ahaa GEOSOL, hadda se loo wareejiyey Dawladda Hoose ee Hargeysa, madaxna looga dhigay waaxda qorshaynta ee mid kamid ah degmooyinka Hargeysa. Somaliland Chronicle waxay sheegtay inaanay wax jawaab ah ka helin Maayar Cabdikariim Axmed Mooge, markii ay isku dayeen inay wax ka weydiiyaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker