Maxaad Kala socotaa Halyay-yada Africa ee Sannadkan Geeriyooday iyo Somalida ku Jirta

 

Iyadoo sannadka 2020-ka sii dhamaanayo, waa xilligii dib loo xusuusan lahaa halyeeyadii Afrikaanka ahaa ee geeriyooday sannadkan.

Waxaanaynu eegeynaa qaar ka mid ah halyeeyadaasi:

Kubadda Cagta: Papa Bouba Diop, 42

 

Ciyaaryahanka reer Senegal, oo dhintey November ka dib xanuun dheer, waxaa lagu xusuustaa waxqabadkiisa Koobkii Adduunka ee 2002-dii xilligaas oo uu dhaliyay goolkii guusha ee xulkiisa ee France, taasi oo horseeday in Senegalay u gudubtay wareega 8 dhamaadka. Ma jirto koox Afrikaan ah oo intaas heerkaasi dhaaftay.

Waxyaabihii kale ugu fiicnaa ee waayihiisa ciyaareed waxaa ka mid ahaa inuu kula guuleysto Portsmouth 2008 FA Cup. Wuxuu sidoo kale u soo ciyaaray kooxaha Fulham, West Ham United, Birmingham City iyo kooxda reer France ee Lens.

Caafimaadka: Xaawa Cabdi, 73

 

Dhaqtaradda Soomaaliyeed iyo u dhaqdhaqaaqaha xuquuqda aadanaha, oo dhimatay bishii Ogosto, waxaa loo yaqaanay “Mother Teresa-da Soomaaliya”.

Markii ay isbitaalkeeda oo ku yaalla Shabeellada Hoose ay weerareen kooxo Islaamiyiin ah sannadkii 2011-kii , way istaagtay sidii ay uga bixi lahaayeen isbitaalka, weyna ka baxeen kadib mudaharaad ay sameeyeen boqolaal haween ah oo deegaanka .

Seeyniska: Gita Ramjee, 63

 

Saynisyahankan Koonfur Afrikaanka ah ee caan ka ah adduunka una dhashay dalka Uganda ayaa bishii Maarso u dhimatay xanuunka Covid-19.

Waxay caan ku ahayd cilmi baaristeeda ku saabsan yaraynta halista faafitaanka HIV ee haweenka galmada ka shaqeeya. Laba sano ka hor waxaa la siiyay Abaalmarinta Dumarka Saynisyahannada Sare ee Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka ee Yurub.

Waxaa sidoo kale geeriyootay: Simon Mallam, madaxa Komishanka Tamarta Atomiga ee Nigeria, oo ku dhimatay qarax gaas ka dhacay Kaduna.

Miyuusig: Manu Dibango, 86

 

 

Manu Dibango oo u dhashay Cameroon wuxuu bishii Maarso u dhintey Covid-19. Wuxuu isku darsaday qoob ka cayaar iyo cod halaasi ah waxuuna caan ku ahaa heestiisii ​​1972 ee Soul Makossa.

Ganacsi: Richard Maponya, 99

Ganacsadaha, oo geeriyooday bishii Janaayo, waxaa loo yaqaanay aabaha tafaariiqda madow ee Koonfur Afrika, isaga oo diidaya xayiraadaha midab kala sooca si uu u dhiso boqortooyadiisa ganacsi.

Soweto, oo ah magaalada ugu weyn ee dadka madow ee dalka, wuxuu ka aasaasay ganacsigii ugu horreeyay ee BMW wuxuuna horumariyay suuqa laga dukaameysto ee Maponya.

Siyaasadda: Daniel arap Moi, 95

Ninka xukumayay masraxa siyaasada Kenya in kabadan rubac qarni wuxuu dhintay Febraayo. Wuxuu ahaa madaxweynihii ugu waqtiga dheeraa ee bariga Afrika, isagoo xilka hayay 1978 ilaa 2002.

Xulufadiisa waxay ku amaaneen inuu ilaaliyay xasiloonida, laakiin kuwa wax dhalleeceeya waxay yiraahdeen wuxuu si naxariis daro ah u cabudhiyay dadka ka soo horjeeday, 2004-tii ayuu weydiistay cafis “kuwii uu ku gafay”.

Waxaa sidoo kale geeriyooda : Raysal wasaarihii Ivory Cost Amadou Gon CoulibalyAmbrose Dlamini, raysal wasaaraha Eswatini, hogaamihii hore ee Burundi Pierre Nkurunziza, madaxweynihii hore ee Masar Hosni Mubarak, iyo kuwa kale oo badan.

Halganka ladagaalanka midab kala sooca: Zindzi Mandela, 59

 

Gabadhii ugu yarayd madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela, waxay danjire ka ahayd Danmark markii ay dhimaneysay Covid-19 bishii Luulyo.

Waxay ku soo kortay meeshii ugu saraysay ee dagaalkii lagula jiray caddaanka-laga tirada badan yahay.

Jilaayaasha: Nikita Pearl Waligwa, 15

Gabadha da’da yar ee u dhalatay dalka Ugandha ee jisha filimada ayaa bishii Febraayo u dhimatay burada maskaxda. Xiddigta filimka Disney ee Queen of Katwe, ayaa markii ugu horreysay laga helay buro 2016-kii,

Waxaana agaasimaha filimka la sheegay inuu abaabulay dad si ay uga caawiyaan maalgalinta daaweynta Hindiya. Sannad ka dib waxaa la siiyay cadeeynta ah iney ka bogsootay burada , laakiin waxaa laga helay buro kale 2019-kii.

Dhaqdhaqaaq: Lina Ben Mhenni, 36

U dhaqdhaqaaqaha xuquuqda madaniga ah ee reer Tunisia ayaa geeriyootay bishii Janaayo ka dib dagaal dheer oo uu la galay cudurka lupus.

Waxay caan ku ahayd dhaqdhaqaaqii kacdoonkii Carabta, waxay ka mid aahayd dadkii yaraa ee duubay dhibaatadi lagu hayay

Saamaynta ugu weyn: Hachalu Hundessa, 34

Dilka muusikiiste caan oo Itoobiyaan ah oo bishii Juun horseeday mowjado kacdoonno qowmiyadeed ah, oo ay ku dhinteen in ka badan 160 qof iyo rag caan ah oo mucaaradka ka mid ah, oo uu ku jiro Jawar Mohammed, oo wajahaya dacwado argagixiso.

Heesaha Hachalu ayaa waxa ay diirada saarayeen xuquuqda dadka Oromada ah ee wadanka ku dhaqan, oo ah qowmiyada ugu tirada badan dalka Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker