Fahad Yaasiin Oo Loo Doortay Xildhibaan ,Kana Hadlay doorashadiisa

Dooarshada lix kursi oo ka mid ah Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ee xubnaha kasoo galaya maamulka HirShabelle, ayaa maanta ka billaabatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kursiga u horreeyey ee doorashadiisa la qabtay ayaa ah kursiga HOP#086, waxaana ku tartamayay Fahad Yaasiin  oo ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, horeyna usoo nqoday Agaasimha hay’adda Nabd-sugidda NISA.

Fahad ayaa helay 70 cod, halka musharraxa la tartamayey Axmed Dayib Axmed uu helay 24 cod, waxaa la sheegay inay saddex cod ay xumaadeen.

Kursiga Fahad ku guuleystay ayaa waxaa Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhammaaday ku fadhiyey xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Ilaa shan kursi oo kale ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto magaalada Beledweyne, oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulka HirShabelle.

Ka hor inta aysan dhicin doorashada maanta ayaa guddiga doorashada ay sheegeen inay hakiyeen doorashada kursiga HOP086. Ilaa hadda ma cadda in natijada kursigan rasmi ahaan ay u ansixin doonaan guddiga doorashada heer federal iyo in kale.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in lala wareegay cinwaanadii ay ku lahaayeen Baraha Bulshada, inkasta oo aysan sheegin cidda la wareegtay.

Dhanka kale Fahad oo hadalo kaftan ah goobta ka jeediyay ayaa u muuqday in uu muujinayo in doorashada dadban ay noqon doonto mid natiijooyin aanan dad badan farax galin.

Doorashadiisa ayaa soo jiidatay dareenka siyaasadda Soomaaliya iyo tan warbaahintaba, waxana ay ahayd mid siyaabo badan kaga duwan kuraastii kale ee la doortay, iyada oo ciidamo xoog leh oo diyaarado lagu geeyay ay illaalo ka hayeen magaalada iyo goobtaba.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker