Maxay ka wada hadleen Mareykanka iyo Somaliland?

Ku simaha safiirka safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, Shane Dixon, ayaa soo gabagabeeyay safar uu ku tegay magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Waxaa uu halkaas kula kulmay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulkaas. Waxaa uu sidookale la kulmay xubno ka tirsan bulshada rayidka, xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID iyo ururrada siyasadeed.

Waxyaaba ay kulankooda diiradda ku saareen waxaa kamid ah, arrimaha amniga, xuquuqda aadanaha iyo muhiimadda ay leedahay in la qabto doorasho dimuqraaddi ah.

Mr Dixon ayaa shegay, in Mareykanku soo dhoweynayo heshiiska arrimaha doorashooyinka ee ay garwadeenka ka ahaayeen odeyaasha dhaqanka. Waxaa uu sidookale carabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in wadahadal lagu soo afjaro xiisadda Laascaanood.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker