Somaliland oo Soo dhawaysay Qorshaha Maraykanku Ciidamadiisa kagala Baxayo Somalia

Hargeysa (OWN) – Xukuumadda Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi ayaa Warsaxaafadeed ay soo saartay waxay kaga hadashay qorshaha uu Mareykanku kagala baxayo ciidamadiisa gudaha Soomaaliya, ka hor inta uusan xilka wareejin Donald Trump.

Qoraalkan oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay inay soo dhoweynayaan go’aanka Mareykanka ee uu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya.

 

Somaliland ayaa arrin wanaagsan ku tilmaamtay in xilligan Mareykanka uu ciidamadiisa ka saaro gudaha Soomaaliya, loona baahan yahay in dal kasto uu isku filnaado.

 

 

Sidoo kale Xukuumadda Muuse Somaliland ayaa Sheegtay in Somaliland ay isku filan tahay marka loo eego qabashada doorashadeeda iyo ammaanka.

 

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xalay Trump uu soo saaray Amarkiisii ugu dambeeyey ee dhammaan ciidamada Mareykanka looga saarayo gudaha Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker