Dadweynaha Itoobiya oo U Dareeray Doorashadii Ugu Horreysay oo Xor Ah

In ka badan 37 milyan oo codbixiyeyaal ah, ayaa isku diiwaangeliyay in ay maanta oo Isniin ah ka codeeyaan goobaha codbixinta ee guud ahaan Ethiopia, waana doorasho muhiim u ah dalkan labaad ee ugu dadka badan qaaradda Africa.

Xisbiga talada haya ee Prosperity oo uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Abiy Axmed, ayaa soo sharraxay musharaxiinta ugu badan, iyadoo la filayo in uu ku guuleysto kuraasta ugu badan ee baarlamaanka.

Ra’iisal wasaaraha 44-jirka ah, oo 2019-kii Abaalmarinta Nabadda ee Nobel ku helay hirgelinta dib-u-habeyn dhanka dimuqraadiyadda iyo dhaqaalaha dalkaasi ah iyo heshiis nabadeed oo uu la galay dalka deriska ah ee Eritrea, ayaa sheegay in codbixintu ay tahay “isku-daygii ugu horreeyay ee doorasho xor ah xalaalna ah,” oo ka dhacda Ethiopia.

Laakiin doorashada, ayaa waxaa hadheeyay qaadacaadda qaar ka mid ah xisbiyada ugu weyn mucaaradka oo ku eedeynaya xisbiga talada haya dhibaateyn, cabsi-gelin iyo sidoo kale dagaalka wali ka socda gobolka waqooyi ee Tigray, halkaasi oo tan iyo bishii November ee sanadkii hore ay ciidamada dowladdu kula dagaalamayaan xoogag daacada u ah xisbigii gobolkaasi xukumi jiray ee TPLF.

Dagaalka, ayaa abuuray dhibaato bina’aadamnimo oo ka jirta Tigray, iyadoo ilaa 350,000 oo qof ay macluul wajahayaan, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Gobolka Tigray oo baarlamaanka ku leh 38 kursi ayaan wali la shaacin wakhtiga ay doorashadu ka dhici doonto.

Wareeg kale oo doorasho ah, ayaa Ethiopia ka dhici doona bisha September.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker