Safiirkii Somaliya Ee Masar Oo ku Geeriyooday Dalka Kuwait
Dalka Kuwait waxaa ku geeriyooday Safiirkii dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta C/qani Maxamed Waceys, waxaana safiirka u geeriyooday xanuun mudooyinkii dambe hayay.
Danjiraha ayaa la sheegay in uu u geeriyooday Xanuunka macaanka ama sokorta uu mudo badan qabay, waxaana Danjiraha uu ahaa diblumaasi mudo badan usoo shaqeeyay Wasaarada arimaha Dibadda Soomaaliya.