Nin Hubaysan Oo Rasaas Ku Furay Wakhtigii Taraawiixda Masaajid Ku Yaala London

Nin hubaysan ayaa rasaas furay isaga oo ku sugan bannaanka masaajid ku yaalla Bariga Magaalada London, iyadoo ay dadku tukanayaan taraawiix.

 

Booliiska ayaa loogu yeedhay  oo loo sheegay nin hubaysan oo galaya masaajidka ku yaalla Seven Kings.

 

Dadkii cibaadaysanayay qaar ka mid ah ayaa masaajidka ka hor istaagay qofkii, intaas ka dibna rasaas ayaa la maqlay.

 

Dhaawac ama hanti burburtay midna lama soo sheegin, sida uu sheegay booliiska, waxayna intaas ku dareen in ay rumaysan yihiin in dhacdadaasi aysan shuqul ku lahayn argagixisanimo.

 

Taraawiixda ayaa lagu tukanayay masaajidka waddada High Road marka arrintaasi ay dhacaysay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker