Shil Tareen oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay DalkaTurkiga

Ugu yaraan 24-ruux ayaa ku geeriyootay shil Tareen oo ka dhacay Waqooyi Galbeed dalka Turkiga,sida uu sheegay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalkaasi Recep Akdag.

Wakaaladda wararka ee Anadolu oo soo xiganeysa  Recep Akdag,ayaa ku warantay in hadda uu soo gabagaboobay howlgal lagu badbaadinayay dadka shilka uu kula galay tareenka gobolka Tekirdaag,wuxuuna ku sii jeeday Istanbul.

Ugu yaraan 73-Qof ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhaawacantay shilka,sida laga soo xigtay Wasaaradda caafimaadka Turkiga.

Tareenka ayaa waxaa saarnaa,362 Rakaab, waxaana shilka loo aaneynayaa roobab xooggan oo da’ayay iyo dhul dillaac jira,sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Turkiga.

Diyaaradaha Qumaatiga u kaca “ Helicopters” ayaa loo diray goobta shilka uu ka dhacay.kuwaasi oo dadka dhaawacmay lagu soo qaaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker