Madaxweynaha Somaliland oo Gaadhay Magalads Laascanood

kumannaan iyo kumannaan kamid ah qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo kusoo dhaweeyey duleedka Galbeed ee magaalada.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa waxa duleedka Galbeed ee magaalada kaga hor yimi dadweyne xamaasadaysan oo calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan lulaya, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxadi, waxana uu madaxweynuhu la qaatay socod lug ah.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay hareero socdaan wegen fardo ahi ayaa socod dheer ku maray shaarica weyn ee magaalada oo ay tubnaayeen dadweyne safaf u taagani oo ay hormuud u yihiin labeenta iyo madax-dhaqameedka gobolka Sool.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker