Madaxweynaha Dalka Algeria Oo Caydhiyey Madaxii Ololihiisa Doorashada Dalkaas

Warbaahinta dawladda ayaa ku warantay in madaxweynaha Algeria, Cabdicasiis Bouteflika, uu casilay madaxii ololihiisa doorashada, Cabdimaalik Salaal.

Warkan ayaa soo baxay ka dib mudaharaaddo ballaadhan oo lagaga soo horjeedo musharaxnimada Bouteflika ee doorashada madaxtinimada soo socota.

Wakaaladda wararka Algeria, ayaa waxay intaa ku dartay in madaxa cusub ee ololaha Cabdicasiis Bouteflika loo magacaabay Cabdiqani Saclaan.

Ilaa hadda lama shaacin sababta Salaal looga fadhiisiyey shaqada, laakiin go’aankaas ayaa waxa la gaadhay ka dib markii Jimcihii ay tobannaan kun oo reer Algeria ahi muddaharaado ay ku diidanyihiin in uu mar shanaad xilka qabto Bouteflika ay dalka ka dhaceen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker