Darbi Jiiftii Xukunka Lagu Riday Oo Saaka Maxkamadda Rafcaanku Sii Daysay

Maxkamadda Rafcaanka ee Magaaladda Hargaysa ayaa Saaka Xoriyadoodii U Soo Calisay Labaatan Dhalinyaro Darbi Jiif ah oo hore maxkamadda gobolka hargaysi ugu riday xukun dhan lix bilood oo dhaqan calin ah.

 

Xisbiga Waddani ayaa Dhalinyaradani Bishii hore u qaaday Rafcaan waxaana saaka qareenadii u doodayay ku guulaysteen in ay Xoriyadooda u soo celiyaan labaatanka dhalinyaradda ah oo hore wasaaradda shaqo galinta cabasho ay ula tageen ku mutaystay xabsi dhan lix bilood.

 

Garyaqaan mubaarig oo ka mid ahaa Qareenadda u doodayay ayaa  xaqiijiyay in dhamaan ooda laga qaaday saakana ay maxkamadda rafcaanku ku dhawaaqday inaanay wax dambi ah layahn dhalinyaradaasi cabashadda ay la hortageen wasaaradda xabsiga loogu badalay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker