Dal katirsan Yurub oo ciidankiisa hubeynaya ciidul fidriga awgeed

Booliska Norway ayaa ku dhawaaqay in askarta heeganka ah ee dalka oo dhan la hubeeyo ilaa amar dambe.

Bayaan kasoo baxay ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay jawaab u tahay hanjabaadaha sii kordhaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, xilli ay ku beegan tahay maalmaha Ciidul Fidriga ee todobaadka soo socda.

Waxa ay sheegtay in xilliyada ay dad badan u badan tahay in ay isugu yimaadaan ay ahaayeen bartilmaameedyo suurtagal ah oo weeraro argagixiso.

Dhaqan ahaan booliiska Norway, sida wadamada kale ee Scandinavianka, si joogta ah uma qaataan qoryaha ama hubka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker