Gabadh Yar Oo Somali Ah Oo Magalaada Nairobi Ay Ku Dishay Haweenay Ay la joogtay.

Wararka magaalada Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in lagu dilay gabadh yar oo lagu magacaabo Ismahaan, kadib markii la sheegay ay dishay haweenay ay qaraabo ahaayeen oo ay la joogtay.

Gabadha yar ayaa Aabaheed, wuxuu ku nool yahay Xeryaha Qaxootiga Kakuma, lama garanaayo sababta haweenayda ku kaliftay inay disho gabadha yarayd ee la joogtay.

 

Qaar ka mid ah ehelada Gabadha falkan loo gaysatay ayaa sheegay in si xun loo dilay gabadha yar oo jirkeeda dhaawacyo kala duwan uu ka muuqday.

 

Maydka gabadha yar ayaa la geeyay Masjid Nuur oo ku yaalla Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi , halkaasi oo Salaada Janaasa lagula tukaday.

 

Booliska Nairobi ayaa xidhay haweenaydii ka dambeysay falkaas lagu dilay gabadha yar, waxaana socda baadhitaanka ku saabsan sida dhacdadaasi ku dhacday ee sababtay dilka gabadha yar.

 

Dhinaca kale Shalay ayey ahayd markii Magaalada Gaalkacyo laga helay maydka gabar yar oo 12-sano jir , taasi oo la kufsaday, kadibna si xun loo dilay, waxaana hore uga dhacay magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda kufsiyo kala duwan oo loo geystay gabdhaha.

Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker