Dawladda Faransiiska oo Garab siisay Dhiggeed Iiraan & Madaxwaynayaasha Labada dal oo kulmaya

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa rajo ka muujiyay kulan dhexmara madaxweynayaasha Iiraan iyo Mareykanka.

Macron ayaa hadalkan ka sheegay kadib shir Jaraa’id oo si wadajir ah uu ula qabtay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Macron iyo Trump ayaa qeyb ka ah shirka wadamada quwadaha ee loo yaqaan G7 oo ka socda magaalada Paris.

Waxaan ku rajo weynahay in uu dhici doono todobaadyada soo aadan kulan u dhaxeeya Ruuxaani iyo Trump ayuu yiri Macron.

Dhanka kale mar uu qadka taleefanka kula hadlay hogaamiyaha Iiraan ayaa wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay in wadahadal furan uu la yeesho Trump.

Emanuel Macron ayaa ugu danbeyn sheegay hadii la wada hadlo uu soo afjarmi doono qilaafka u dhaxeeya Washington iyo Tehraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker