Shil Gaadhi Oo Sababay Dhaawac Ayaa Ka Dhacday Duleedka Gabiley

Shil ka dhacay duleedka bari gobolka Gabiley caawa fiidkii , ayaa ciidanka Dab-demiska gobolka Gabiley u gurmadeen. Labada gaadhi ee isku dhacay ayaa kala ahaa gaadhi Xaajiyad ah oo ay leedahay dawlada hoose Hargeysa iyo gaadhi Noah ah.

Todoba qof ayaa dhaawac fudud ka soo gaadhay shilkaas, waxaana ciidamadu dhaawacii gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee magaalada Gabiley.

Ma jirin dhimasho uu sababay shilkaasi, waxaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa qayb laxaad leh ka qaatay hawlwadeenada cisbitaalka Gabiley.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker