Waa maxay Farqiga u dhexeeya Madaxwayne Mustafe Cag-jar iyo Cabdi Maxamuud Cumar?

 

Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxa maalmihii u dambeeyay ka dhacay arrimo dhowr ah oo dadka soo xusuusiyay dowladdii tan ka horeesay ee Cabdi Maxamuud Cumar, taas oo hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada iyo deegaanka.

Tan iyo markii uu isbaddelka ka dhacay deegaanka, waxaa jiray in la dareemay xoogaa furfurnaansho siyaasadeed oo ka duwan wixi horay looga bartay madaxda deegaanka, taas oo loo arkay in ay tahay tallaabo wanaagsan, hasa yeeshee muuqaalkii laga heystay dowladdii hore ee xariga dadka dhaliila siyaasadda maamulka ayay dadka qaar qabaan in haatan ay dib u soo laabatay.

Xildhibaan “xabsi guri” la geliyay

Xildhibaan Farxaan Cabdi oo laga soo doorta degmada Wardheer, kana mid ah xildhibaanada barlamaanka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayay qoyskiisa BBC-da u shegeen in xabsi guri la geliyay.

Waxaa laga cabsi qabaa in xildhibaanku loo xiray eedeymo kicin dadweyne ah, sidaas na uu u xiranyahay, balse la is weydiinaya sida loo xiri karo xildhibaan aanan xasaanadda laga qaadin.

Xaaska xildhibaanka oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay in aysan garaneyn sababta xabsi guri loo geliyay Farxaan Cabdi.

“Wuxuu xiran yahay bil iyo bar, xabsi guri ayuu ku yahay guriga oo daaradda guriga kama bixi karo, ciidan ayaa guriga ku wareegsan, habeen walbana askar ayaa la keenaa, daaqadda guriga xitaa ma furi karo oo haddii uu ballaqo waxay leeyihiin waad ka bixi rabtaa,” waxa sidaas BBC-da ku yiri Nimca Ciise oo ah xaaska xildhibaan Farxaan.

Nimco Ciise ayaa waxa kale oo ay sheegtay in aysan jirin wax maxkamad ah oo la soo taagay, xabsiga guriga la geliyayna ay saameysay maadaama qori lala agtaagan yahay.

.KHADAR JIGRE
Khadar Jigre wuxuu kamid ahaa ururadii saluugsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar haddana gadoodsan

Xariga Khadar Jigre

Khadar Jigre oo ah dadkii horumuudka u ahaa ururkii Dulmi-diid, qeybtana ka ahaa ururadii cadaadiska saaray maamulkii hore ee deegaanka ayaa isna lagu xiray magaalada Jigjiga, isagoo sheegay in wax nidaam ah aan loo marin xarigiisa.

Khadar ayaa BBC-da u sheegay in markii la dhisay dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Mustafe Cagjar ay daremeen arrimo badan oo u baahan in wax laga qabto, oo ay ka mid yihiin in sareynta sharciga la soo celiyo, musuqmaasuqa iyo qabyaaladda wax laga qabto, ayna damceen in dhibaatooyinkaas ay kala hadlaan dowladda, balse maamulka ay iska indha tireen arrintaas.

“Waxaan ku qasabanaanay in warbaahinta iyo baraha bulshada ka hadlano oo madaxweynaha uu is casilo haddii uusan wax sixi karin, waxaan aaminsanahay in xarigayga uu ku saabsanaa xoriyatul qowlkaas iyo dhibaatada umadda heysata ee aan bannaanka soo dhignay”.

Khadar ayaa intaa raaciyay in xariga la xiray isaga iyo Axmednuur, oo kamid ah ururkaasi, uu ahaa sharci darro, maadaama wax nidaam maxkamadeed ah aan loo soo marin.

Dad uu Khadar Jigre kamid yahay ayaa la sheegay in lagu soo eedeeyay in shacabka ay kicinayeen, basle khadar ayaa ku dooday in aysan shacabka ku dhihin hub qaata oo dowladda si sharci darro ah ha lagu baddelo, oo waxa kaliya ay ka hadleen ay tahay xuquuqda shacabka.

Wuxuna inta raaciyay in markii uu Mustafe yimid ay rajeynayeen in uu yahay nin dimuqraadi ah oo hay’ado caalami ah ka soo shaqeeyay, halgankii ay soo mareen na qeyb ka ahaa, balse ay arkeen in maamulkan uu hayo wadadii Cabdi Maxamuud Cumar.

.
Odayga Soomaaliyeed ee ay booliska jirdilen

Odhay dhaqameed la jirdilay

Muxumed Axmed Nuur oo kamid ah odayaasha caanka ah ee magaalada Jigjiga, kuna magac dheer Gadhjubi ayaa sheegay in booliska deegaanka Soomaalida jirdileen, xilli uu ku sugnaa goobtiisa shaqo.

Wuxuuna sheegay in isaga oo aan wax khalad ah gelin ay u yimaadeen ciidamada deegaanka, kaddibna la weydiiyay magaciisa oo markii uu sheegayna ay la baxeen oo bakoorado ay ku garaaceen.

Muxumed oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in uusan garaneyn sababta jirdilkaasi loogu geystay.

“Magaalada waxa ka dhacay rabshad aan ka warramin, anigo meeshii taagan ayaa askar ii timid oo waxay i weydiiyeen magaceyga, markii aan u sheegayna waxay yirahden waa kii aan rabnay, wax alle wixii ay hayeen ayay ila dhaceen,” sidaas waxa BBC-da u sheegay Muxumed Axmed oo sheegay inay dhibaateyeen booliska deegaanka.

Odaygan aya sidoo kale BBC-da u sheegay in sababta loo bartilmaameedsaday ay tahay oo kaliya inay isku qoys yihiin dadkii dibadbaxa dhigayay.

BBC-da ayaa isku dayday in arrimahan oo dhan ay wax ka weydiiso madaxda laamaha ammaanka ee degaanka, hasa yeeshee nooma suurtagelin in aan helno.

Hay’daha xuquuqul insaanka aya dowladdii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar ku eedeyn jirtay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay kamid yihiin dil, kufsi, xarig iyo in dadka la caburiyo, waxaase muuqata in dadka qaar ay ka cabsi qabaan in maamulka madaxweyne Mustafe uu qaado tallaabooyin uu horay uga digay, muddana uu ku dhaliili jiray maamulkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker