Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo sheegay inuu si weyn u taageersan yahay isbedelka hannaanka doorashada dalka Somaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa sheegay in dowladdiisa ay taageersan tahay dhameystirka Dastuurka Soomaaliya iyo hirgelinta heshiiskii Baydhabo ay ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran 27-kii May 2023.

Madaxweynaha oo ka hadlayay shir u dhaxeeya xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkiisa, ayaa wuxuu ku celceliyay in dowladdiisu ay si weyn u taageersan tahay is bedelka hannaanka doorashada dalka.

“Waxaan halkaan u nimid inaan ka wada hadalno howsha dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo xaaladaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dhameystirka dastuurkeena iyo isbedellada la doonayo in lagu sameeyo nidaamka doorashada,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Waxaanu intaa ku daray “Waa masuuliyad wadareed iyo waajibaad qaran in aanu ka shaqayno dhamaystirka dastuurka. Waa waajib saaran shacabka, xukuumadda iyo baarlamaanka Soomaaliyeed. Markaa, waxaanu ka wada hadlaynaa haddaynu nahay madaxda gobolkan inaynu si wada jir ah uga wada tashano isbedelada siyaasadeed ee ay ka mid yihiin nidaamka doorashada, isla markaana aynu ka gaadhno go’aamo midaysan oo danta dadkeena iyo qarankeena ku jirto.”

Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale ka hadlay wejigii labaad ee dagaalka lagula jiro ururka Al-Shabaab, kaasi oo ay hakiyeen fatahaadaha.

Wuxuu ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay gargaar bini’aadantinimo oo deg deg ah oo lala gaaro dadka ku dhaqan gobolka ee ay fatahaaduhu saameeyeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker