Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cabdi Faarax Shir-doon Saacid oo ku Taliyay in Ururka Alshabaab lala Furo Wada-hadal

Muqdisho (OWN) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo u warramayey warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Saacid ayaa qiray in weli ay jirto awooda Al-Shabaab, islamarkaana ay yihiin dad Soomaaliyeed oo la kari waayey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu qabo in wadahadal toos ah lala galo Al-Shabaab, si dalka loogu soo dabaalo nabad gelyo iyo xasilooni.

“Wada-hadal toos ah in lala galo ayaan anigu qabaa, runtii waxaa weeye waa dad Soomaaliyeed waa la kari  waayey, waxaa fiican in laga guuleysto, nabadd wadahadal ku timaadana lafteeda lama dhayalsan karo.”ayuu yiri Cabdi Faarax Shrdoon (Saacid).

Waxa kale uu sheegay inay muhiim tahay in la xoojiyo hay’adaha amniga, gaar ahaan dadka ka shaqeynaya oo uu xusay in loo baahan yahay inay ahaadaan dad khabiiro ah.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo looga fadhiyo inay la timaado qorshe cad oo lagaga adkaan karo kooxda Al-Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker